14 Maleeeshiyadda Al Shabaab oo xalay lagu dilay deegaanka Bariire

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maleeshiyadda Al Shabaab ayaa xalay isku dayey inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho kasoo galay.

 

Ciidanka Xoogga ee Bariire ku sugan oo xogta weerarka Al Shabaab sii hayey ayaa waxaa maleeshiyadii soo qaaday weerarka halkaas loogu geystay qaasaro weyn.

General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey 14 kamid ah meydadka Shabaabkii Bariire soo weeraray halkaas yaaliin.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiiyey Al Shabaab meydad badan oo dagaalka looga dilay inta qaateen Wabiga ku shubeen.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Maleeshiyadda Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...