New Zealand:Xoghayaha Guud ee Q.M oo booqday 2-dii masjid ee lagu laayey muslimiinta

Date:

Muqdisho (SNTV)…Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa muujiyay taageerada iyo khushuuca uu u hayo bulshada muslimiinta ee ku nool dalka New Zealand ,ka dib markii uu booqday 2-masjid oo bishii Marso lagu dilay 51-ruux oo cibaadeysanaayey.

Guterres oo booqday Masjidyada Al-nuur iyo Linwood ,  Waxaa isaga iyo xubno ka socda hogaamiyaasha muslimiinta iyo dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay labada masjid ay halkaasi joogeen muddo ku dhow saacad,iyadoo la is-dhafsaday hadallo ku aadan naceybka cunsuriyadda iyo kala faquuqa bulshada.

Hadal uu sii daayey intii uu ku guda jiray booqashadiisa oo dhacday saaka ayuu ku baaqay in dadaal lagu bixiyo sidii loo baabi’in lahaa hadalada naceybka ah ee u sii fidaya sida dab qabsaday howdka,kaas oo lagu baahiyo  baraha bulshada.

Abdul Aziz,oo ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay 2-ba daasi masjid,isla markaana isku dayey in uu ka hortago ninkii geystay falalkaasi,oo isna ka hadlay kulankii booqashadaasi ayaa ammaanay dadaalka Xoghayaha Guud ,wuxuuna inta raaciyay in ay sharaf u tahay in bulshada muslimka ah lala qeybsado xanuunka .

xasuuqii ka dhacay magaalada Christchurch  ee dalka New Zealand waa kii ugu xumaa ee loo geysto dad muslimiin ah,kaas oo uu fuliyay Brenton Tarrant oo 28-sano jir ah,una dhashay dalka  Australian,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...