Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa soo tiigsaday wareegga Afaraad ee tartanka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Todobo iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Howlwadaag ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Tartamaayasha Howlwadaag, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteenHal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Xamar Jajab, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, waxaana wareegga afar dhamaadka ah isugu soo haray, Degmooyinka Kismaayo, Dhahar, Yaaqshiid iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose, Sanaag iyo Banaadir.

Habeen dambe oo ah habeenka 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Sanaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...