Ciidanka Amniga oo Howlgallo ballaaran ka sameeyey gudaha iyo duleedyada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Howlgalkaan lagu sugayay Amniga Caasimadda ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran waxaa ay ka sameeyeen waddooyinka Sodonka,Warshadaha iyo duleedka magaalada Muqdisho,si loo xoojiyo amniga caasimadda,si bulshada ay u helaan amni la isku haleyn karo.

Intii uu socday Howlgalkaan ayaa waxaa la baarayay Gadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo dadweynaah,taasi oo qeyb ka ah qorshaha amniga.

Ciidamadan oo tababaro dheerad ah heysta ayaa ugu horeyn howlgaladooda ka bilaabay isgoyska Baar-ubax ee jidka Sodanka,waxaana lagu hubinayay gadiidka & dadweynaha,iyadooย  ย siย  taxadir leh loo xogwareysanayay dadweynaha.

Intaa ka dib ayay Ciidamadu u ruuqaansadeen duleedka magaalada Muqdisho,iyagoo gaaray Calamada iyo deegaanka Ceelasha Biyaha,dadweynaha ayaa u muuqday kuwo ku faraxsanaa howlgalada ay wadeen ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya,maadama ay ka hortagayaan dhagaraha cadowga.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inayย  sii wadi doonaan Howlagaladan inta laga xaqiijinayo Amniga caasimadda.

Maleeshiyada Alshabaab ayaaย  bulshadu u geysta gaboodย  qaraxyo iyo weeraro,balse waxaa dhanka kale diyaarsan ciidamo naftooda u huraya in ay shacabku ay ka qabtaan cadowga Argaggixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...