Home Blog Page 1051

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay Wade BL

0

Muqdisho (SNTV)- Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019.
12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyba kamid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday.
kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale kamid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho.
Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaari ee u istaagay si’uu aqbalo hubinta sharci ee taala siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas.
14-kii bishan sii dhamaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib.
22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujita dhakhtarka.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga.
Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida

Golaha Millateriga Suudan iyo Isbahaysiga mucaaradka oo ku heshiiyay in la sameeyo gole Maamula Dalkaasi

Golaha millateriga ee maamula dalka Suudaan iyo isbahaysiga mucaaradka dalka Suudaan ayaa heshiis ku gaaray sameynta golle ka  arrimiya dalka Suudaan ints  doorasho  ay ka dhacayso Suudan.

heshiiskan ayaa lagu gaaray shir Sabtigi dhex maray golaha millateriga iyo xooggaga isbeddel-doonka oo ah dallad ay ku midaysan yihiin kooxaha mucaaradka.

Qof diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa wakaaladda wararka turkiga ee  Anadolu u sheegay in golaha cusub uu  ka koobnaan doono qeybaha kala duwaan ee  bulshada  iyo saraakiisa millateriga kuwaas oo maareyn doona geedi socodka nabada inta laga soo dooran doono madax ay dadka ku kalsoon yihiin  mudda kumeel-gaarka ah ee dalka u ka gudbayo xaalada hadtan tagan ee ka jirta dalka Suudan.

Ka dib oloolihii xilka looga tuuray madaxweynihi hore ee dalka suudaan cumar albashiir 11ki bishi  April ee aynu ku jirno ayaa waxaa dalka maamulaya golaha millateriga oo  la wareegay talaada dalk bidadbaxayo xoogleh oo ka dhacay Suudan.

Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo Isniinta ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidanka Ammaanka, Guddoomiye ku xigeennada Gobolka, khubaro ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga iyo dariseynta, si looga hortago falalka arxan darrada ah ee Argagixsadu ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmooyinka, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka.

Hirshabeelle oo dalbatay in gargaar loo fidiyo Dadkii ku barakacay dagaalladii ka dhacday Shabeellada dhexe

0

Jowhar (SNTV):- Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta Hirshabeelle, C/kariin Cali Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhowaanahan booqasho ku marayay degaannadii lagu dagaallamay ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa ku baaqay in gargaar Bini’aaddannimo loo fidiyo Dadka halkaasi ku tabaalaysan.

Wafdigan oo safar Dhulka ah ku maray  , Burdheere, Qoodaar, Xaaji Cali , Raage Ceelle iyo degaanno kale oo hoos taga Cadale iyo Warsheekh, ayaa  sheegay in la gubay qaar ka mid ah Tuulooyinkaasi, Dadka halkaasi ku suganna ay macaluul la Il-daran yihiin.

Wuxuuna Dowladda Federaalka, Maamulka Hrshabeelle iyo Beesha Caalamkuba ka codsaday in Gargaar deg-deg ah lala soo gaaro Dadka halkaasi kasoo barakacay  oo ay isugu biireen Fatahaado iyo nolol xumo kale.

Wasiirka, ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen qaar ka mid ah Culimada iyo wax garadka , wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii degaannadaasi loogu soo dabbaali lahaa nabad gelyo, loona sii dardar gelin lahaa wada hadalladii u socday Labadii Beelood ee halkaasi ku dagaallamay.

Mudane,C/kariin Cali, Wasiirka dib u heshiisiinta ee maamul Goboleedka Hirshabeelle, ayaa sheegay in Dadka halkaasi kasoo bara kacay ay doonayaan in ay ku laabtaan degaannadoodii hore, balse inta ka horreysa loo baahan yahay in si fool ka fool ah ay isu soo hor fariistaan wax garadka iyo cuqaasha Labada dhinac, si loo soo gaba-gabeeyo dirirta sokeeye ee halkaasi ka aloosan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xafiiskiisa kula kulmay Wafdi ka Socda Dalka Masar

0

Muqdisho (SNTV):- Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Masar oo soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Xoogga dalka kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxayna   kawada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dhanka ciidamada iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa in Dowlada Masar ay ka qeyb qaadato tababarida ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyabihii la isku afgartay, wuxuuna uga mahadceliyay Dowlada Masar kaalinta ay ka qaadaneyso tababarada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu Hoggaaminayo Sareeye Gaas Waxiid Cizaad Ibrahim ayaa waxey imaan shahooda Muqdisho ku soo beegmeysaa xilli dhowaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadleen sidii Dowladda  Masar ay ugu tababari  laheyd ciidamada  Soomaaliya.

Xildhibaano ku soo baxay doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo

0

Baydhabo (SNTV):- Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu qabtay doorashada Kuraas ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu banneeyay agaasimihii Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Cali Afgooye ayaa helay dhammaan codadkii Ergadu dhiibteen ee ahaa 51 Xubnood, musharraxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo ayaa goobta ka maqnaa.

Sidoo kale, Nuur Siidow Baaba Xasan ayaa ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyey Marxuum Axmed Mayow Cabdulle ( Korneyl Ruush).

Nuur Siidow ayaa helay 48-Cod oo ka mid ah codadka 50-ka Ergo ee codeysay, halka musharaxa kale ee Fiqi C/llaahi uu helay 1-cod, halka 1-cod kale uu halaabay.

Cali Cadow Maxamed ayaa ku guuleystaay Doorashada boos buuxinta kursiga uu banneeyaay Madaxweynaha Koonfuur galbeed ka dib markii uu helay 28-cod halka musharaxiintii la tartameysay ay kala heleen.

Cabdicasiis Cali Macallim uu helay 16-cod

Shamso Ibraahim Maxamuud waxay heshay 4-cod halka 3-cod kale ay halaabeen.

Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah Eedeysane C/risaaq Xuseen Tahliil

0

Muqdisho (SNTV):- Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo racfaan ka soo qaatay xukuno horay ugu riday Maxkamadda,waana markii saddexaad oo dacwadan la dhageysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa weydiiyay xafiiska xeer ilaalinta ee Ciidamada iney keenaan Maxkamada horteeda marqaatiyaasha ku xusan eedeysanaha Kiiskiisa oo markii saddexaad loo fariistay.

Ma jirin wax marqaati ah oo la horkeenay Maxkamadda,balse badalkeeda xafiiska ayaa soo jeediyay ineysan sii socon karin xilligan ka dib dacwad qaadista eedeysanahan,waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Maxkamada go’aan ka gaarto eedeysanaha iyadoo la raacinayo tallaabooyin amni oo xadidaya dhaq dhaqaaq eedeysanaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada,wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in Maxkamada go’aan ay ka soo saari doonto Kiiska.

“ Kiiska sidaasi ayuu ku gabagabeysan yahay,wixii go’aan ah Maxkamadda dib ayay ka soo sheegi doontaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa xilliyo kala duwan loo xiray arrimo la xiriira argagixisanimo,waxayna Maxkamadaha ciidamada Puntland xilliyo kala duwan ku xukumeen dil iyo xabsi,balse Bishii November 2018, ayaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Heer Federaal looga fursan waayay Kiiskan oo culeyskiia lahaa oo ay la soo wareegtay.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Oo Dib-u-dhisaysa Xaruntii Taleefannada ee dalka

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Boosta, isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa maanta la wareegay xarunta taleefannada dalka oo ku taalla degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir.

Wasiirka ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay gudaha xarunta ayaa ku sheegay in ugu dambayn June 10, 2019 in dib-u-dhis lagu billaabayo, marka lagu guulaystana dhismahana laga dhigayo xarun tababar oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay kusoo bandhigaan hal abuurkooda la xariira Teknoolojiyadda.

Qoysas ku harsan oo qayb ka ahaa dadkii ku noolaa dhismaha intii aan dowladdu dib ula soo wareegin ayaa wasiirku ku war-geliyay in ay ka guuraan inta aan la gaarin waqtiga loo qorsheeyay in uu billaawdi dib-u-dhiska  si ay qayb uga qaadato fududaynta adeegyada wasaaraddu bixiso iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Boosta oo dib u soo celiyay adeegyo badan oo lagu waayay burburkii dalka ayaa maalma ka hor waxa ay shaacisay in dib-u-dhis lagu billaabayo xarunta machadka tababarka isgaarsiinta qaranka, arrintaas oo qayb ka ah daadejinta adeegyada wasaaradda iyo hir-gelinta halbeegyada ay ku leedahay tubaha qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka jaray Warta Biyo qabadka Degmada Boondheere

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere oo Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ku sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo-qabadka Degmada uu ku yimid wadatashi bulshada deegaanka lala yeeshay, si baahidooda wax looga qabto, iyagoo codsaday in loo dhiso xarunta Biyo qabadka oo xili roobaadka dhibaatooyin badan ku haysay shacabka deegaanka.

“Markii aan wadatashi la sameynay shacabka degmada Boondheere waxay naga codsadeen in loo dhiso xarunta Biyo qabadka degmada, bacdamaa ay sanad walba xili roobaadka dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan, anagoo tixgelineyna codsiga shacabka ayaan dib-u-dhisnay Warta si biyhu ugu hakadaan, maantana waxay u diyaarsan tahay in aysan biyuhu gudbin”.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in biyo qabadka la ballaariyey, si casri ahna loo dhisay, tanoo qeyb ka ah qorshaha u diyaar garowga xili roobaadka, isla markaana la howlgelinayo dhammaan goobaha biyo qabadka ee Caasimadda, si looga hortago in biyuhu fariistaan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah. Degmada Boondheere ayaa kamid ah degmooyinka uu shacabka dagan sanad walba roobabku u geysto khasaare naf iyo maal, waxana sanadkii hore ku dhintay 7-ruux.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda oo si Isxilqaan ah u dhisay Warta biyo-qabadka Xamar Jadiid, waxuna si gaar ah ugu ammaanay muwaadin Axmed iyo shirkadda Gaagaale oo ku deeqday qalabka howsha lagu fuliyey.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka duulaya casharadii laga bartay roobabkii sanadkii hore da’ay ayaa diyaariyey dhuumaha biyaha qaada ee degmooyinka iyo xarumihii biyo-qabadka Caasimadda, iyadoo la howlgeliyey booyaha biyaha saara.