Home Blog Page 1050

Wasiir Bayle ” Soomaaliya Maalgashi ayay diyaar u tahay”

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu Magaalada Malabo ee dalka Equatorial uga qeyb galay shirkii Bangiga hormarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya kaa soo looga hadlay hormarinta Dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika.

Shirka kadib waxa uu la kulmay madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina waxuuna warbixin ka siiyay marxalada dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayo.

Wareysi uu Siiyay TV CNBC oo ka hadla arrimaha ganacsiga ayuu ku faahfaahiyay waxyaabaha Soomaaliya ku soo bandhigtay shirka si gaar ah fursadaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee horyaala.

“Marka koowaad waxaan u sheegnay inaan leenahay kheyraad badan waxan leenahay xeebta ugu dheer Afrika. Waxay ii sheegeen inaan haysano mid ka mid kaluunka ugu wanaagsan ee ku jira badaha, waxaan u sheegnay inaan aad qani ugu nahay saliida iyo gaaska. Soomaaliya waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee shidaal ku jiro, waan ka shaqaynaynaa dabcan, marka koowaad waa inaan xaqiijinaa amaanka, mida sadaxaad waxa weeye Soomaaliya waa ay burburtay waxwalba waxay ka bilaabanayaan meel hoose oo ay tahay in dib loo dhiso marka waxa yaala fursado badan”

Wasiir Belye waxaa uu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado albaabadeeduna ay furan yihiin.

“Diyaar beynu nahay, albaabadeenu waa ay u furan yihiin caalamka oo idil gaar ahaan ganacsatada raadinaya meel ay maalgashadaan, waa Soomaaliya halka ku haboon waayo meelaha aad magacwdeen waan haysanaa kheyraadkooda waxan ka shaqeynaynaa ammaanka iyo waxay sameynaynaa shuruucdii aan idinku soo dhaweyn laheen.”

Wasiirka Caafimaad oo sheegtay in ay Garab istaagayaan Arday Maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Drs; Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ay Garab istaagayaan ka wasaarad ahaan, Arday Maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya ee Recep Tayyip Erdogan.

Drs; Fowziya, ayaa si weyn u dhiirri gelisay Ardayda, waxanay u sheegtay in aysan ka wal welin shaqo,  oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaliya u heellan tahay mar walba, qeybna ka noqon doonaan hannaan wenaagga caafimaadka Soomaliya.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaza oo ka qeyb-galay Munaadabadda ayaaa amaanay heerka wax barasho ee Ardayda.

Adradaydan oo ay tiradoodu ahayd 58, ayaa ahaa dufcaddii ugu horreysay ee ka aflaxda Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya, iyagoo wax ka bartay qeybaha kala duwan ee Jaamacadda.

Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya, oo la furay Sanadkii 2016 -kii, ayaa waxaa fekerkeeda  iyo qorshaha lagu hirgeliyayba lahaa Madax weynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Afar ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku dhintay qarax ay dhigayeen gudaha Kenya

Nairobi-(SNTV)-Saraakiisha Ciidanka Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

Saddex ka mid ahaa Al-Shabaab ayaa isla goobta ku dhintay, halka Ninka Afaraadna meydkiisa laga helay Keyn wax yar un u jirta halka uu Qaraxu ka dhacay, isagoo isku dayay in uu baxsado, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ahna madaxa howlgalka Keymaha Boni, Joseph Kanyiri.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow Omollo Bridge, oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee Lamu, ayay Argagixisadu doonayeen in ay la eegtaan Dadka iyo Gaadiidka halkaasi isticmaalaya.

Ciidanka Kenya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxay ka heleen, qaar ka mid ah saanaddii Millateri ee ay wateen Argagixisada , Qasnadaha rasaasta, qoraallo iyo qalab kale.

Isha/ Daily Nation

Duqa Muqdisho oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri muddo ka maqnaa

0

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri uu lahaa oo laga haystay muddo 28 Sano ah.

Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa , ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo Adduunba sugaysa Dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

“Cidna si sharci darro ah uma haysan karto muwaadin kale hantidiis, maamulkan tan iyo markii aan nimid waxaan ku guuleysannay soo celinta hanti ay lahaayeen muwaadiniin, kuwaas oo Dadkii haystay ay si mutadawicnimo ah usoo wareejiyeen, balse arrinta maanta waa ay ka duwan tahay oo maxkamad iyo xabsi ayey gaartay.”

Eng; Yariisow ayaa sheegay in muwaadinkii gurigan sida sharci darrada ah u haystay oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska la horkeenayo Maxkamad, lana marsiin doono hannaanka sharci ee uu mudnaa.

Dhankiisa, Eng.Cali Maxamed Baare oo ahaa muwaadinka lahaa mulkiyadda Guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta hantidaasi ka maqnayd 28-kii Sano ee lasoo dhaafay.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka

0
Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali  Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.
Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay  ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.
Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta  iyo ilaalinta maal-gashi  iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.”

Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka.

Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.

Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xiggeenka XFS Oo Guddoomiyay Madasha Labaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

0
Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamad Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay Madasha Labaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.
Shirka ayaa looga hadlay hannaanka ugu habboon ee horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana la isku dhaafsaday talooyin muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka.
Golaha dhaqaalaha qaranka oo ah gole dowladda kala taliya horumarinta dhaqaalaha dlaka ayaa sameeya cilmi baarisyo iyo xog aruurin u gogol xaaraya taabba gelinta hannaan dhaqaale oo la jaan qaadi kara dunida casriga ah, dowladdana ka caawiya in ay gaarto go’aanna dhaqaale oo dhaxal gal ah.

Agaasimaha hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay madaxda hay’adda socdaalka ee Dalkaasi

0

Oslo-(SNTV)-Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Col. Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) oo ay wehlinayaan ku xigeenka Agaasimaha guud, Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey hay’adda socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay kulamo Sanadle ah oo ay yeeshaan hay’adaha socdaalka ee Labada Dal, ayaa waxa uu la qaatay madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha dibedda Norway iyo sidoo kale saraakiisha Booliska Dalkaasi.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Socdaalka, waxanay intaa ka dib Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa booqdeen Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Oslo, waxayna u kuurgaleen hab-maamulka socdaalka Garoonka.

Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta hoballada waaberi oo xilka ku wareejiayay agaasimaha cusub

0

Muqdisho-(SNTV)– Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada waaberi , Maxamed Xasan Barroow, ayaa Maanta xilka ku wareejiayay agaasimaha cusub ee hay’addaasi, Nimcaan C/raxmaan Xasan oo la dhowaan la magacaabay.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, maareeyaha golaha murtida iyo wacyigalinta agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintaiyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta hoballada waaberi iyo agaasimaha cusub ayaa isdhaafsaday saxiixyada decumiintiyada iyo agabyadii ay fanaaniintu ku shaqeyn jireen, iyagoo halkaasi isugu hambalyeeyay.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi hadana ah la taliyaha wasaaradda warfafainta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran, Maxamed Xasan Barrow, ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahey xilka wareejinta lana shaqeyn dooni agaasimaha cusub.

Nimcaan Cabdiraxmaan xasan (hillaac) , agaasimaha cusub ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa sheegey halkii uu keeney waabari Maxamed Xasan Barow inuu kasii dhaqaajin doono, wuxuuna ka codsaday bahda fanka in ay garab istaagaan, kana caawiyaan xilka loo igmaday.

Maareeyaha golaha murtida iyo wacyi galinta Qaranka , Maxamed Abuukar Axmed. ayaa sheegey in Agaasime Barrow uu wax badan kasoo maray dib u howl gelinta Hobollada waabari, kadib bur burkii uu Dalku soo maray, Nimcaan hillaacna looga baahan yahay in uu halkaa kasii dhaqaajiyo.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxmed Diiriye, ayaa sheegtay in ayy xubin ka aheyd waligeed Hobollada waabari, haddana ay kala sheqeyn doonto sidii loo dhaqaajin lahaa horumarinta bahda fanka ee uu Qaranku leeyahey.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaa dardaaran guud siiyey mas’uuliyiinta cusub iyo guud ahaan bahda fanka , wuxuuna sheegey fanka Soomaaliyeed iyo fannaaniinta in dib loo soo celin doono Heesihii hirgalay oo tartan furan lagu soo saari doono jiilalka cusub ee fanka kusoo biiraya.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Mashruuc ay ku baxayso 42 Million oo Yuuro.

0

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u  dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka.

Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso.

”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri  Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin  taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’

Faahfaahin Kooban

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro.  Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF.  Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca..