R/Wasaare Khayre oo magacaabay guddigga qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood.

halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin.

8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin

Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:-

1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...