Home Blog Page 1052

Wasiirka Difaaca XFS oo Baydhabo ka furay xarun tababar ciidan+sawirro

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Mardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka.

Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska.

Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysaa tayada tababarada ciidamadaasi.

Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha.

Danhiraja Dowladda Britain bee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamidka yihiin dowladda ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab.

Qaramada Midoobay oo Geska Afrika u qoondeysay $45 milyan

0

Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya.

Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo.

Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah.

Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga  CERF waxa ay ururada  samoalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha.

Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka.

Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama uraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin.

Ciidanka Kenya iyo Maleeshiyad Alshabaab oo ku dagaalamay Waqooyi Bari.

0

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo maleeshiyaad la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab uu ku dhexmarey deegaan u dhow magaalada Bandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mohamed Birik ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankooda ay la dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo weerar  soo qaaday,wuxuuna xusay in 1 qof ay ka dileen,islamarkaana dhankoodi uu 1 askari kaga dhintay dagaalkaasi.

Deegaanka Fino oo weerarka  uu ka dhacay 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ayaa khayaas ahaantii 6 KM u jira xadka ay wadaagaan labada dal,waxaana uu xoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay ain goor sii horeysay ay heleen xogo ku saabsan in maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalkaasi mar kale,balse laga hortagay.

Mohamed Birik ayaa sheegay ay soconayaan howlaglo ballaaran,isagoo intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan ragii weerarka soo qaaday.

Argagixisada Alshabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya,iyadoo dhawaan dowladdu ay soo saartay digniino ku aadan weerarada Alshabaab ay qorsheynayaan.

Madaxweyne Farmajo”Dhalinyaradu waa awooda Dalka”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awoodda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii shalay waxaa uu la ciiday ciidanka Xooga Dalka,isagoo ku bogaadiyay xoojinta gudashada waajibaadkooda,kuna amaanay nafhurnimada ay u sameynayaan shacaka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka shaqeeyaan Nabadgelyadda.

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna lashaqeeyaan Ciidamada qalabka sida.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagantahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag la’aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada.

Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo dhalinyarada ku tilmaamay iney tahay awooda kaliya ee dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awooda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba.

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa kama dambeysta ah (Final-ka) ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  labo iyo toban (12) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddexsu’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 31aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana ahaa kulankii kama dambeysta ah waxaa caawa ku guuleystay tartamayaasha Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, halka Kismaayo ay gashay kaalinta 2aad, waxaana kaalinta saddexaad ee tartanka ku guuleysatay Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka ortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xaflad duco ah u qabatay Shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Sabtidii xaflad duco ah u qabatay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku shahiiday weerar gaari biimaysan loo adeegsaday oo lala beegsaday gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Daljirka Dahsoon ee Muqdisho 22-kii bishii hore ee May.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo hadal ka jeediyay kulanka ducada ayaa sheegay in mabaadiida qaran ee uu dhaqangeliyay Marxuum Xuseen Ceelaabe intii uu ku jiray geedi socodkiisaa qorsheynta , maaliyadda iyo diblomaasiyadda ay dhabbo wanaagsan u xaartay howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xuseen Ceelaabe Faahiye waxa uu noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda sanadkii 2007. Waxa kale oo uu qabtay xilalka Wasiir ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta ee Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii 2005-2007. Waxa uu noqday muddo 12 sano ka badan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Ceelaabe kama aanu cararin dalka intii uu socday dagaalka sokeeye, magangalyana uma doonan dalal kale, hayeeshee waxa uu doorbiday inuu ku nagaado dalka, oo uu u adeegayay muddo 58 sano, oo ay ku jirto 13 sano oo uu ka howlgalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa uu in badan oo waqtigiisa nololeed ku bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa si daacadnimo ah oo nafhurnimo leh.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa ka sheegay isu imaatinka ducada in Shahiid Xuseen Ceelaabe uu kaalin muuqata ka qaatay iskudubaridka ololaha bani’aadannimo ee Dowladda ay fulisay sanadkii 1974, kaasi oo dib u dejin loogu sameeyay dad ku dhow nus milyan ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi iyo gobollada bartamaha oo loo raray gobollada koonfureed si looga badbaadiyo abaartii darnayd ee loogu magacdaray ”abaartii daba-dheer” ee saamaynta ku yeelatay deegaanno badan oo dalka ka tirsan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedka Shahiid Xuseen Ceelaabe, halka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo xubin ka ah Guddi latalin oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Nuur Axmed Wehliye oo lataliye ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Mudane Xuseen Siyaad (Caato) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda ay soo bandhigeen guulaha shahiidka.

Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, danjireyaal, qaar ka mid ah Agaasimeyeyaasha Guud ee Wasaaradaha, diblomaasiyiin, shaqaallaha rayidka iyo qaar ka mid ah ehellada shahiidka.

Tartamayaasha Dhahar oo caawa kaalinta saddexaad ku guuleysatay

Muqdisho (SNTV):- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sodonaad ee kaalinta 3-aadku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, maadaama loo tartamayay kaalinta 3-aad, waxaana uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa, uguna adkaa inta uu tartanka socday mudada 30-ka cisho.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay  toban (10) dhibcood. 16-dhibcood

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Markii tartanka uu ku soo idlaaday waqtigii loogu talagalay bar bar dhac, 10 iyo 10, ayaa lagu daray su’aalo dheeri ah, waxaana la weydiiyay min shan su’aal, iyadoo Yaaqshiid ay la timid afar dhibcood, halka Dhahar ay heshay lix dhibcood, wadarta guud Yaaqshiid ayaa noqontay 14 dhibcood, waxaana Dhahar ay heleen 16 dhibcood.

Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta saddexaad ku guuleystay tartamayaasha Dhahar Gobolka Sanaag.

Habeen dambe oo ah habeenka 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kulankiisa kama dambeysta ah (Final) ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana Kismaayo ay u noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah ay soo tiigsato final.