Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta, oo ay qayb ka ahayd Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan marxaladihii uu soo maray Matxafka, kaas oo 30-kii October si rasmi ah loogu daah furay magaalada Carta, Jabuuti, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wuxuu Wasiirku xusay doorka muuqda ee ay Wasaaradda Warfaafintu ku lahayd qorsheynta, qabanqaabada iyo qalabeynta Matxafka, taas oo qeyb weyn ka qaadatay guusha munaasabadda daah-furka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey dhismaha Matxafka Nabadda ee Carta, isagoo tilmaamay in aragtida taallada Nabadda ay dhalatay kadib booqashadii hore ee Carta. Wuxuu si gaar ah u ammaanay juhdiga Wasaaradda Warfaafinta ee arrintaasi ku bixisay.

Ugu dambeyn, Wasiir Daa’uud Aweys ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Ra’iisul Wasaaraha haddiyad gaar ah oo uu u dhiibay Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka, waxaana guddigaasi hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jabuuti, Mudane Yoonis Cali Guedi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...