Taliska Ciidanka Asluubta oo 180 sariirood lagu wareejiyay “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliska  Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay 180 sariirood oo uu ugu deeqay Dr. Cabdinaasir Cali Maxamed oo ah Dhakhtar ka howl-gala Isbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka.

Dr. Cabdinaasir, oo ah Dhakhtar Soomaaliyeed, ayaa sariirahan ugu tala galay carruurta ku  jirta xarunta Agoonta Afgooye, ee uu Taliska Asluubta gacanta ku hayo, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caawiyo Carruutan.

Jenraal Mahad Cabdirxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyay Dr; Cabdinaasir caawimaadda uu u fidiyay Carruurta Agoota ah , isagoo qurba joogta kalana ugu baaqay in ay ku daydaan Muwaadinkan Soomaaliyeed.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Jenaraal; Cabdikariin Cali Afrax ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ku aaddan sidii loogu biirin lahaa xarumaha Agoonta Ciidanka Asluubta Carruurtii ay ka geeriyoodeen Askarta Ciidanka Asluubta.

Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga warqabo Agoonta Asluubta iyo qaar kale oo goor dhow ay Agoonta Asluubta ku biirin doonaan Ciidanka si loo xannaaneeyo loogana war-qabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...