AMISOM oo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku wareejisay Saldhigga Degmada Warsheekh

Date:

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Isniintii Todobaadkan kala wareegay howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, Saldhig ku yaalla Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Shantii Sana ee lasoo dhaafay.

Taliye ku xigeenka howl-gallada iyo qorsheynta AMISOM, Janaraal; James Nakibus Lakara, oo ka hadlayay munaasabaddii ay Boliiska Soomaaliyeed kula wareegayeen Saldhigga ayaa sheegay in ay midowga Afrika taabba gelinayaan qorshaha kala guurka ee ay Ciidamada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga Dalka marka ay iyagu baxaan 2021-ka.

Mr; Nakibus Lakara, ayaa sheegay in ay AMISOM horay u banneysay fariisimo ay ka mid yihiin, Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, Mogadishu Stadium, Kulliyadda Ciidamada ee Jaalle Siyaad, Via Afmadoow Kismaayo, haatanna ay wareejinayaan Saldhigga Boliiska Warsheekh.

Janaraal; James Nakibus Lakara, ayaa Ciidanka Burundi ee ka howl aagga Warsheekh ku ammaanay sida ay amniga u sugeen, isla markaana u kasbadeen Bulshada halkaasi ku dhaqan, wuxuuna Ciidanka nabad gelyada Soomaaliya ee shaqada kala wareegay kula dar-daarmay in ay muujiyaan karti iyo feejignaan dheeri ah.

Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa yididiilo ka muujiyay halka ay ku socoto nabadda Soomaaliya, wuxuu si aad ah ugu mahad celiyay doorka ay AMISOM ka ciyaartay in Dalka lagu soo dabbaalo nabad iyo xasillooni.

“Waa iska cadahay in qorshaha kala-guurka aannu si buuxda u wajahayno, waxaana halkaan u joognaa inaan ka marqaati kacno taas,ammaanka  Degmada Warsheekh hadda wixii ka dambeeya waxaa mas’uul ka noqon doona Ciidanka Booliska Soomaaliya,”ayuu yiri Wasiir C/naasir.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle, Xasan Dhicisoo Xasan, ayaa sidoo kale AMISOM kaga mahad celiyay muddadii ay Warsheekh ku sugnaayeen sidii ay kaga qeyb qaateen ammaanka iyo shaqada naf hurnimada leh ee ay ka hayeen Soomaaliya.

Degmada Warsheekh oo 70 Km dhanka Waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa tan iyo 2014-kii waxaa ku sugnaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM , iyagoo Ciidanka haatan kala wareegay ammaanka Degmadaasina dhowaan ku soo tababaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle, kuwaas oo la doonayo in ay sugaan nabad gelyada 50 Tuulo oo hoos timmaadda Warsheekh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...