Duqa Muqdisho oo Rugta Ganacsiga kala hadlay dib-u-dhiska Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan la qaatay madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Gabeyre.

Kulanka Guddoomiyaha iyo madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isla markaana loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta maamulka iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dib u dhiska dalka, sidaas darteedna maamulkiisu uu ku dhiirigelinayo bulshada kuwooda dhaqaalaha haystaa inay doorkooda ka qaataan horumarka Caasimadda.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u istaagaan sidii kaabayaasha Caasimadda loo dhisi lahaa, si ay ula tartanto Caasimadaha adduunka ee horumaray.

Ganacsatada kulanka la qaatay Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in ay sii dardargelin doonaan doorkooda ku addan horumarinta Caasimadda, horey iyo hadana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaddan.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Duqa Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...