Home Blog Page 2

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibroow, ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Howl-wadaag.

Wasiirada iyo wafdiga ay hogaaminaayeen ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo maamulka degmada, halkaas oo ka dhacay kulan muhiim ah oo lagula hadlay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirradda waxay dhalinyarada ku boorriyeen inay qaataan kaarka codbixinta, iyagoo xusay in mustaqbalka horumarka iyo go’aan-qaadashada degmada ay si toos ah ugu xiran tahay ka qaybgalka shacabka iyo codkooda.

Sidoo kale, Wasiirrada waxay tilmaameen in la fududeyn doono habraaca qaadashada kaarka bulshada, si muwaadiniinta si habsami leh ugu helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay uga qayb qaataan hanaanka doorasho ee hufan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, wacyigelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaamyo caddaalad ah oo ay bulshadu codku leedahay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay bulsho ka kala timid degmooyinka Magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashada loo madlan yahay inay ka qabsoonto caasimadda 25-ka bishan.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa bulshada ku boorriyay inay qaataan kaarka codaynta, si ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, una gutaan waajibaadkooda muwaadinimo, isagoo xusay in dowladdu ka go’an tahay xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda jawi ammaan ah.

Dhankooda, shacabka la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahad celiyay dowladda hawlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka iyo sugidda amniga Magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyay kalsooni iyo taageero ay u hayaan dadaallada socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) iyo masuuliyiin kale.

 

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

0

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Isaak Mursal, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhigiisa Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Damjan Jović.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxaa si toos ah looga wadalay xiriirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbia, waxaana laga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labadda dal.

Wadahadalladu waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga farsamooyinka cusub technologiyadda casriga ah, waxbarashada, amniga, iyo kordhinta wada-shaqeynta labada dal ee fadhiyadda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood horseed u noqonaya xoojinta aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee labada waddan.

Labada Wasiir waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay dardargelinta wadatashiyada siyaasadeed ee joogtada ah, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta danaha wadajirka ah iyo ballanqaadyada labada dal si loo sii xoojiyo xiriirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia.

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeen Mursal ayaa uga mahadceliyay Dowladda Serbia soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen magaalada Belgrade, isaga oo ku celiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sii ballaarinta iskaashiga labada dal si ay uga faa’iidaystaan labada shacab.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo uu hoggaaminaayay Safiirka udalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed (Afandi).

Wafdiga Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maamulka sare ee Jaamacadda Al Neelain university iyo Daarusalaam oo kamid ah jaamacadaha ka howlgala dalka Suudaan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka guddoomay Maamulka Jaamacadda Daaru Salaam oo sidoo kale kulankan qeyb ka ahaa deeq waxbarasho oo ay ugu talagaleen Maamulka Dekadda.

Kulanka qaabilaadda waxaa goob joog ka ahaa Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho Mudane Ismaaciil Aw-muuse.

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in xeerkaan cusub oo ay ka soo shaqeeyeen xeeldheerayaal Soomaali ah uu yahay mid la jaanqaadaya Xaaladaha bulsho ee iyo Xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Xeerka ciqaabta oo badallaya kii hore oo lagu soo dhaqmay dhowr iyo lixdan sano,waxa uu horseedayaa in ay yaraadaan dambiyada ka dhexdhaca dadweynaha iyo in la ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee qeybaha bulshada.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin waxa uu caddeeyay in xeerka ciqaabta Soomaaliya lagu saleeyay diinta islaamka ,dhaqanka Soomaalida iyo hab dhaqanka xeerarka dowladaha carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka, sharciga ururada iyo xisbiyada siyaasadda,waxa uu soo saaray qoraalkaan.

Guddiga waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu xirmay hannaanka qabashada liiska musharixiinta ururada siyaasadda ,kaa oo ku bilowday 12,kadibna gaaray 18,ugu dambeynna ku soo xirmay 20 urur siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay liiska musharixiinta doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir,waxayna kala yihiin:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

0

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli.

Munaasabaddan oo loo yaqaano TRIPOLI MEDIA DAYS, ayaa lagu martiqaadey oo ka soo qeybgaley Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Suxufiyiinta ayaa  lagu abaalmarinayey kaalinta ay kaga jiraan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska Libya, kadib dhowr sano oo xaalado adag ay soo martey.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay horumarka iyo dib u soo kabashada Libya, isagoo u rajeeyay horumar iyo xasilooni waarta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada dal ee Soomaaliya iyo Libya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer isla markaana ay Soomaaliya daneyneyso in la sii xoojiyo Iskaashiga labada dal, taasina ay marqaati ka tahay booqashii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore ugu tegay Libya bishii February ee sannadka aynu ku jirno ee 2025-ka.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga gudaha, saraakiil sare oo Boolis ah, maamulka degmada Howlwadaag iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

Dhismahan cusub ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid casri ah oo kor u qaada awoodda laamaha amniga degmada, lana jaanqaadi kara baahiyaha amni ee deegaanka.

Taliyaha saldhigga Howlwadaag Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Xasan Cali ayaa sheegay in ay tahay farxad gaar ah in saldhigga degmada uu yeelanayo dhismo cusub oo casri ah, taas oo sare u qaadi doonta adeegyada Booliska iyo kalsoonida shacabka.

Dowladda ayaa horey u shaacisay qorshe ballaaran oo dib-u-dhis loogu sameynayo xarumaha Booliska si loo xoojiyo amniga iyo la-dagaalanka dambiyada.

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

0

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga hadlayay doorka ururada bulshada ay ku yeelan karaan socodsiinta howlaha maamulka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha fulinta shuruucda horyaalla baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyadda, waxaana ururada bulshada ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo qorshayaasha socda.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa:

– Kor u qaadidda dakhliga gudaha

– Casriyeynta nidaamka canshuuraha

– Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

– Ilaalinta hantida guud ee shacabka

Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Hirshabeelle Cumar Maxamed Soomane iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar (Gaab).

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo watay jaakad ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Naftii halligahaan ayaa damacsanaa in uu qarax la beegsado ciidanka ku jira xerada Dhagabadan,hasa yeeshee Ciidanka ilaalada xeradaasi oo foojigan ayaa durbadiiba toogtay naftii-haligahasi,kaas oo ku qarxay afaafka hore ee halkaasi.

Qaraxaasi la fashiliyay ayaa la sheegay in uu sababay dhaawacyo fudud oo soo gaaray dhowr qof oo kamid ah Ilaalada Xerada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay ciidanka xerada Dhagabadan foojignaanta iyo sida ay uga hortageen baftii halligahaasi doonaayey in uu isku qarxiyo gudaha xerada.