Home Blog Page 2

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

0

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci Lr. 005 ee 2023), Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay diiwaangelinta hay’adaha iyo shirkadaha adeegsada xogta shakhsiga ah, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo u hoggaansanaanta sharciga dalka.

Hay’addu waxay qabaneysaa codsiyada diiwaangelinta, waxayna shahaadada rasmiga ah ee diiwaangelinta siin doontaa hay’adaha iyo shirkadaha buuxiya dhammaan shuruudaha ay Hay’addu dejisay.

Sidaa darteed, dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ku lug leh uruurinta, kaydinta, adeegsiga, gudbinta, ama shaacinta xogta shakhsiga ah, waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan waajibaadka diiwaangelinta iyo dhowrista xogta ee uu dhigayo Sharciga Dhowrista Xogta.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha diiwaan-gelinta, habraaca codsiga, iyo foomamka la xiriira waxaa laga heli karaa mareegta rasmiga ah ee Hay’adda: www.dpa.gov.so,

Sidoo kale, waxaad Hay’adda kala xiriiri kartaa iimaylka registration@dpa.gov.so, ama waxaad si toos ah ugu tegi kartaa xarunta Hay’adda inta lagu jiro saacadaha shaqada.

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

0

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo ay u fariisan doonaan kumannaan arday oo wax ka barta dugsiyada kala duwan ee gobolka.

Maamulka waxbarashada ayaa sheegay in dhammaan diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa la dhammaystiray, iyadoo la xoojiyay habraacyada lagu sugayo hufnaanta, cadaaladda iyo tayada imtixaanaadka.

Sidoo kale, waxaa la faray maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta inay ka qeyb qaataan dhiirrigelinta ardayda si ay ugu diyaar garoobaan imtixaannada si wanaagsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed Macalin Saalax Cabdinuur Cali.

Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo sida ay ciidamada amniga ugu guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad isku dayey inay falal amni-darro ka geystaan gudaha magaalada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen soo afjaridda maleeshiyaadkii isku dayey inay carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo, isagoo bogaadiyey geesinimada iyo heeganka ciidamada kala duwan ee amniga.

 

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen kooxaha Khawaarijta, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo iyo feejignaan leh uga hortagay weerarkaasi, iyagoo gaarsiiyay cadowga khasaaro xoogan oo isugu jira naf iyo maal. Khawaarijta ayaa lagu kala eryay gudaha iyo daafaha magaalada, iyagoo u firxaday si fulaynimo ah, halka ay ciidamada amniga weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray cadowga.

Taliska Ciidanka XDS waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonaa faahfaahinta iyo natiijooyinka rasmiga ah ee howlgalka marka la soo gabagabeeyo tirakoobka iyo xaqiijinta xogaha la xiriira khasaaraha cadowga.

Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Qaranka ee habeen iyo maalin u taagan difaaca qaranimada, amniga, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliska ayaa sidoo kale ku ammaanaya shacabka Soomaaliyeed taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin ciidanka Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sheegay in xubnahan lagu doortay hannaan waafaqsan shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka, iyadoo dhameystirka kuraastan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu soo gabagabeynayo dhismaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed.

Shaacinta xubnahan ayaa dhameystireysa tirada xubnaha Golaha Wakiillada, taasoo gogol xaar u noqoneysa tallaabooyinka xiga ee la xiriira howlaha dowlad-dhiska iyo maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah, iyagoo muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka.

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

0

War-Saxaafadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee Kuwait, kadib weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday dhulkeeda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarradan, waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida, iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Kuwait. Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait, iyadoo ku baaqeysa in la muujiyo is xakameyn, wada-hadal, iyo xal diblomaasiyadeed si looga hortago sii xumaanshaha xaaladda loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐝𝐤𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐆𝐀𝐃 𝐞𝐞 𝐊𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta qaab fogaan-arag ah uga qayb galay Shir Degdeg ah oo ay soo qabanqaabisay urur goboleedka IGAD, kaas oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Caafimaadka dalalka xubnaha ka ah ururka, laguna falanqeeyay xaaladda cudurka Ebola ee ka dillaacay gobolka.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga gobolka, kor u qaadista kormeerka xuduudaha, iyo adkaynta tallaabooyinka u diyaar garowga cudurrada faafa si looga hortago khataraha caafimaad ee ka gudbi kara xuduudaha dalalka.

Soomaaliya waxay sii waddaa dadaallada lagu xoojinayo u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, iyadoo garab ka helaysa iskaashiga gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Screenshot

Ururka Hidda Dhoor oo Bandhig Cajiib ah ka Sameeyay Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu Qabtay Dalka Belgium

0

Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka Belgium, halkaas oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin bulshooyinka ku nool magaaladaasi.

Ururka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo, suugaan, heeso hidde iyo bandhigyo ka tarjumayay dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn u soo jiitay indhaha dadkii kasoo qeybgalay xafladda.

Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhoor, Cabdi Warsame, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha ku koraya dalalka dibadda. Waxa uu xusay in munaasabaddan ay fursad muhiim ah u tahay in bulshada kale lagu baro dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Belgium, Xuseen Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay dadaalka Ururka Hidda Dhoor iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan mideynta bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta isdhexgalka jaaliyadaha ku nool Belgium.

Dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa si weyn u ammaanay bandhigga ay sameeyeen xubnaha Ururka Hidda Dhoor, iyagoo ku tilmaamay mid si qurux badan uga tarjumayay hodantinimada iyo bilicda dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada, isagoo la xiriiraya maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

GMXIQ waxay adkaynaysaa muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabkooda, iyadoo ugu baaqaysa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan.

Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.