Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kaga qaybgalaya magaalada New York meertada 81-aad shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo shalay gaaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, wuxuuna kulan doceedyo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qaybgalaysa shirka, isaga oo kala hadli doona xaaladda guud ee dalka.

Kulanka oo socon doono illaa 26-ka Bishan ayaa lagu wadaa in uu madaxweynuhu ka qudbadeeyo 24-ta bisha, wuxuuna la wadaagi doonaa waxyaabihii u qabsoomay dowladda sanadihii lasoo dhaafay, horumarradii laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda IWM.

Kalfadhiga 81-aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (U N General Assembly Summit) ayaa kusoo aadaya iyadoo ay Soomaaliya qayb ka tahay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo wax sare u qaadayso maqaamka uu dalkeennu ku leeyahay kulanka maanta billaabanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka

Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari...