-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga (Credentials) Safiirka loo soo magacaabay Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mudane Laszlo Mathe, iyo sidoo kale Warqaddii Looga Yeeray Safiirkii isga ka horreeyay.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Soomaaliyeed iyo sida uu mar walba u garab istaago madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale Wasiir Nadaara sheegay sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ugu diyaar garowday in ay Safiirka loosoo magacaabay, Mudane Mathe, kala shaqeyso xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada nabadda iyo amniga, dowladnimada, ganacsiga iyo horumarinta.

