Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ka qaadanayaan qabsoomida gogasha dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada reer Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka iyo odeyaasha dhaqanka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso isfaham, nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta bulshada Koonfur Galbeed.
Odeyaasha dhaqanka ayaa dhankooda la wadaagay Hoggaamiyaha aragtiyo iyo talooyin ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada, loona xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa hogaamiyaha kala qeybgalay Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir Dowlaha Madaxtooya, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed.

