Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Date:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Dr. Humphrey Karamagi, Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa soo dhaweeyay Dr. Karamagi, isaga oo u rajeeyay guul intii uu ku guda jiro mudo xileedkiisa.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada ah ee Hay’adda WHO siiso Soomaaliya waliba dhinaca caafimaadka, gaar ahaan xoojinta nidaamka caafimaadka qaranka iyo ballaarinta helitaanka adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.

Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO, si loo horumariyo loona hirgeliyo mudnaanta qaranka ee dhinaca caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...