Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyey howlaha guddiga, qaab-dhismeedkiisa iyo habka uu u shaqeeyo, shuruucda uu gacanta ku hayo, iyo sidoo kale marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay u hayaan Qaranka, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee ay kormeerka ku leeyihiin, iyo ilaalinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadda guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...