Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Beeraleyda ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay cabashooyin la xiriira dhibaatooyinka ay Khawaarijta Al-Shabaab ku hayaan deegaannadooda, iyo sidoo kale waxyeellooyin ay sheegeen inay ka soo gaareen qaar ka mid ah howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhacay.

Masuuliyiinta ayaa dhegeystay cabashooyinka beeraleyda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah, hantidooda iyo wax-soo-saarka beeraha inta ay socdaan howlgallada amniga.

Masuuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in cabashooyinka beeraleyda la diiwaangelin doono, lana gaarsiin doono hay’adaha ay khuseyso, si loo baaro loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...