HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Date:

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed, oo dib-u-casriyeyn iyo horumarin lagu sameeyey.<br>

Hoggaamiyaha ayaa xarunta wasaaradda waxaa ku soo dhoweeyey Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee wasaaradda, isagoo u kuurgalay shaqada iyo adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada, gaar ahaan howlaha warfaafinta, wacyigelinta iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee dowladda.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo xarunta wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda loo sameeyo xarumo casri ah oo awood u siinaya inay si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada.<br>Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ballanqaaday in dowladda ay diyaar u tahay dhammaystirka wixii ka dhiman horumarinta wasaaradda.

Sidoo kale, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiinta wasaaradda, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta, Mudane Nuur Siidow Baba, ku adkeeyey in la sii xoojiyo tayeynta shaqada warfaafinta, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo wacyigelinta bulshada, si shacabka loo gaarsiiyo xog sugan, degdeg ah oo la isku halayn karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...