Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Tababarkan oo socday muddo hal sano ah ayaa ciidamada lagu barayay farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, baaritaanka goobaha ay dambiyadu ka dhacaan, ururinta iyo ilaalinta caddeymaha, iyo hababka lagu xaqiijiyo xogta muhiimka u ah baaritaannada.

Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelinta tababarkan ka heshay taageero Dowladda Mareykanka, iyadoo ay tababarka bixinayeen khubaro caalami ah oo ku takhasusay baarista dambiyada iyo cilmiga dambi-baarista.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka hadlay Sii-hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo garsoorku helaan ciidamo leh aqoon iyo xirfad sare oo dhinaca dambi-baarista ah, si caddeymaha laga helo goobaha dambiyada loogu maareeyo hab xirfad iyo sharci waafaqsan, looguna adeegsan karo baaritaannada iyo hannaanka garsoorka.

Ciidamada tababarka dhameystay ayaa loo diyaariyay inay si xirfad iyo cilmi ku dhisan u baaraan goob kasta oo dambi ka dhaco, u ururiyaan una ilaaliyaan caddeymaha, isla markaana gacan ka geystaan xaqiijinta baaritaanno lagu kalsoonaan karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...