𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐊𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪-𝐀𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maalinkii shalay shir-guddoomiyay kulankii koowaad ee Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh guddiga iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin wax-ku-ool ah oo horseeda horumarinta xirfadaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara oo ay ka faa’iidaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaabilsan arrimaha shaqo abuurka ayaa kulanka ku soo bandhigay waajibaadka iyo muhiimadda guddiga, hannaanka qaran ee isku-dubbaridka horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyo qorshaha hawlaha mudnaanta leh. Sidoo kale, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay Siyaasadda Barashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha, oo muhiim u ah dhismaha xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa adkeeyay baahida loo qabo in horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka loo wajaho hannaan qaran oo mideysan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarintu ay ku shaqeeyaan hal jiho oo isku xiraysa xirfadaha, baahida suuqa shaqada, maalgashiga iyo shaqo-abuurka.

Ujeeddadu waa in dadaallada iyo maalgashiyada kala duwan ee dalka ka socda loo beddelo natiijooyin la cabbiri karo oo horseeda xirfado tayo leh, shaqooyin waara iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...