Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

Date:

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada looga hortagayo falalka guracan ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga iyo sidii ciidamada ammaanka loogu diyaarin lahaa ka hortagga weerarrada iyo falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyo goobaha muhiimka ah.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha amniga inay sii laba-jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka. Waxa uu sidoo kale bulshada ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga falalka amni-darrada.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha hay’adaha amniga, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...