Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Date:

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kaddib safar shaqo oo uu ku joogay Muqdisho.

Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana soo dhoweynta ka qeyb galay mas’uuliyiin, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh, ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in xaaladda amni ay wanaagsan tahay, isla markaana Khawaarijta dhawaan lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay shacabka soo dhoweynta, wuxuuna ku bogaadiyay ciidamada iyo hay’adaha amniga dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada ku jira safafka Khawaarijta inay ka soo laabtaan fikirka qaldan, isla markaana dowladda isku soo dhiibaan.

Hoggaamiyaha ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay ka feejignaadaan wararka iyo dacaayadaha lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu cabsi gelinayo shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...