Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Date:

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ka fulinayo Soomaaliya.

Mashaariicdan waxaa ugu horreeya Barnaamijka Wariyaasha Nabadda oo lagu xoojinayo doorka warbaahinta iyo wariyeyaasha ee ka hortagga xagjirnimada iyo argagixisada iyo kor u qaadista nabadda iyo wacyigelinta bulshada.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalaya wasiirro ka tirsan XFS oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada, safiirro iyo wakiillo ka socda Isbahaysiga IMCTC iyo Saaxiibada Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...