Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo dhammaystay tababarka aasaasiga ah ee ciidanka, kaddib muddo ku dhow hal sano oo ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud.
Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka, iyaga oo qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran, kuwaasi oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in ciidamadan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama markii ugu horreysay kumannaan askari ay ku qalin-jabiyeen dugsi ciidan oo ku yaalla gudaha dalka, iyagoo si rasmi ah ugu biiraya safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, ayna waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Hawlaha Guud, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyiin kale

