Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, ayaa ka qeybgalay Munaasabadda Qaran ee Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo goordhow ka furantay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayaa Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, kaas oo muhiim u ah xoojinta ilaalinta xuquuqda da’yarta iyo horumarinta nidaam caddaaladeed oo u gaar ah da’yarta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeybgalaya madaxda hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, hay’adaha amniga, bahda caddaaladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Daahfurka sharcigan ayaa muhiim u ah horumarinta nidaamka caddaaladda ee da’yarta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta ilaalinta xuquuqdooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...