Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, is-dhaafsiga xogta iyo xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan duruufaha ay wajahayaan dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka.

Masuuliyiinta Hay’adda SoDMA ayaa Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uga warbixiyay dadaallada Hay’addu ku bixiso u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka, iyo sidoo kale gurmadka bani’aadannimo ee loo fidiyo bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo xog-is-dhaafsiga, si loo horumariyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo iyo ilaalinta xuquuqda dadka ay saameeyaan musiibooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed ee wajahaysa xaaladaha bani’aadannimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...