Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalintii labaad ee uu ku sugan yahay Laascaanood uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Isimmada, kaas oo looga hadlay dowlad-dhisidda, xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Isimmada dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo dowlad-dhiska, isagoo ugu baaqay Isimmada dhaqanka inay sii laba jibaaraan kaalintooda ku aaddan xasilloonida, wada noolaanshaha iyo midnimada dalka.

