Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, oo ah xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Taliyaha Ciidanka TurkSom, General Sebahattin Kalkan, Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Madeey Nuur Sheekh Ufurow, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ujeedka safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriira dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhiirrigelinta Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha hore

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...