Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Date:

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banqaasi, halkaas oo ay kula kulmeen 70 dhalinyaro Soomaaliyeed oo xiran, kuwaas oo ay ku jiraan 8 haween ah.

Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada Bariga iyo Koonfurta Liibiya, badankoodna loo xiray socdaal sharci-darro ah.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in inta badan la sii deyn doono lana gacan qaban doono dib ugu laabashada Soomaaliya, iyadoo kharashaadkana ay bixinayaan.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Liibiya ayaa ballanqaaday inay la socdaan xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed isla markaana la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya, halka labada dhinacna ay gaareen heshiis iskaashi oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiran oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in dib loogu soo celiyo dalkooda.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...