Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka xiriirka dadweynaha, warfaafinta iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Afhayeenka cusub faray inuu si hufan oo mas’uuliyad leh u guto waajibaadka loo igmaday, kana shaqeeyo xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo bulshada, isla markaana si joogto ah oo waqtigeeda ku habboon u gudbiyo wararka iyo xogaha rasmiga ah ee la xiriira hawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...