Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Date:

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada dowladda Koonfur Galbeed iyo TURKSOM.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Baydhabo, isagoo bogaadiyey doorka Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, horumarinta awoodda difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga shacabka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Kulanka ayaa waxaa kala qeybgalay Hogaamiyaha Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud Madaxtooyada, siihayaha Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...