Dowladda oo Cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee Lagu Qaaday Dekedda Damiietta ee Dalka Masar

Date:

Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee lagu bartilmaameedsaday Dekedda Damiietta ee Jamhuuriyadda Carabta Masar 29-kii Luulyo 2026, kaas oo sababay dab ka kacay laba markab isla markaana halis geliyay kaabeyaasha muhiimka ah ee dekedda.

Dowladda Soomaaliya waxay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta Masar dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda khatartaan, waxayna walaac xooggan ka muujinaysaa weerarrada halista ku ah xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeyneysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay, waxayna cambaareyneysaa falalka sii hurinaya xiisadaha gobolka ee khatarta ku ah nabadda, amniga, iyo barwaaqada shacabka gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...