Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya

Date:

Waxaa maanta Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ka furmaya Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa hore loogu wargeliyay in maanta oo ku beegan 1-da Agoosto uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furi doona kalfadhiga, isagoo munaasabadda ka jeedin doona khudbad.

Kalfadhigan 8-aad waxaa horyaalla ajande ay ka mid yihiin ansixinta sharciyo muhiim ah iyo gudashada waajibaadyo kale oo horyaalla Baarlamaanka, waxaana Si ku-meel-gaar ah u sii wada shaqada Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, kaddib markii uu xilka baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo loo doortay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...