Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Keymaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Turgay Türkyılmaz. Wafdigan ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka si loo xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iskaashiga farsamo iyo maalgashiga, iyadoo si rasmi ah loo daah-furay kulammo iyo guddiyo farsamo oo wadajir ah oo ka shaqayn doona horumarinta arrimaha mudnaanta u leh labada dal. Qodobbada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:

Maamulka Kalluumeysiga: Qiimeynta kaydka kalluunka, buuxinta nusqaamaha xogta cilmiyeed, iyo hirgelinta Sharciga Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga ee 2023.Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Kalluumeysiga: Abuurista fursado maalgashi oo ay ka faa’iidaysan karaan shirkadaha Turkiga, gaar ahaan dhismaha xarumaha qaboojinta, kaydinta, farsamaynta iyo dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadaagga ah, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoolajiyada, si loo horumariyo ka faa’iidaysiga waara ee khayraadka badda Soomaaliya loona kobciyo dhaqaalaha buluugga ah.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay ugu jiraan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo kalluumeysiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...