Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqollaal ka mid ah shacabka degmada Ceeldheer oo isugu soo baxay soo dhoweynta wafdiga.

Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhoweynta, ayaa sheegay in shacabka Ceeldheer ay Soomaalida u muujiyeen sida looga difaaco dalka Khawaarijta, isla markaana ay jab culus u geysteen iyagoo garab istaagay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee difaacay degmada.

Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay dhammeystirka xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin Khawaarijta, isagoo shacabka Ceeldheer ka codsaday inay codkooda siiyaan Ururka JSP, oo uu uga sharaxan yahay hoggaanka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...