GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Date:

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi Xildhibaano ah oo ay hoggaamineyso ayaa gaartay Magaalada Baydhabo ee caasimadda Kmg ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Magaalada Baydhabo uga qeyb geli doonta xafladda caleemasaarka hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...