Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, taas oo booqasho iyo sagootin ugu timid, iyada oo ay ku beegnayd dhammaadka muddo xileedkeedii diblomaasiyadeed.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ku ammaanay Safiir Francesca Di Mauro doorkii iyo shaqadii ay ka soo qabatay gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS).

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee uu la leeyahay Dowladda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, isagoo sidoo kalena u rajeeyay in ay guul iyo horumar ka gaarto xilkeeda cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...