Danjire Jaamac oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Mudane Mambila BANSE, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Burkina Faso, iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka Burkina Faso.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso Mudane Mambila BANSE, ayaa balan qaaday inay diyaar u yihiin soo dhaweynta ganacsatada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay maalgashi ku sameystaan dalka Burkina Faso, ayna jiraan shuruuc loo sameeyay dhiirigelinta maalgashiga oo ay ku jirto in Canshuuraha sanadka koowaad maga cafiyo maalgashadaha, isla markaana ay diyaar u yihiin in Soomaalida soo dhaweeyaan si gaar ah.

Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa dhankiisa iftiimiyay in Soomaalidu ay aad ugu wanaagsan yihiin dhinaca ganacsiga, haatanna ay ganacsi xoog leh ku leeyihiin dalal badan oo Afrika ku yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...