Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku dhaweeyey Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasr Maxamed Al-Sanusi, oo booqasho isbarasho ah ku yimid Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu horeyn, Wasiir Cabdifitaax ayaa safiirka soo tusay waxyaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda SONNA, Wargeyska Dalka iyo Keydka Qaranka ee Radio Muqdisho.

Kormeer kadib, Wasiirka ayaa Safiirka la yeeshay kulanka xambaarsanaa hambalyo iyo isbarasho, iyadoo Danjire Al-Sanusi uu Wasiir Cabdifitaax Qaasim u soo gudbiyay hambalyo la xiriirta la wareegistiisa xilka cusub, una rajeeyay in guul iyo horumar uu ku hoggaamiyo wasaaradda, si ay u gaarto himilooyinkeeda istaraatiijiga ah ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga hay’adaha, is-dhaafsiga khibradaha iyo waaya-aragnimada, si loo adkeeyo xiriirka laba geesoodka ah, loona hormariyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Liibiya.

Ugu dambeyntii, Wasiirka iyo Safiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Libya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...