Danjiraha DFS ee dalka Hindiya oo Matalaya Soomaaliya ayaa maanta Ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya.

Date:

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa, oo matalaya Soomaaliya, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association (IORA)).

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ururka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu diyaarinayaa talooyin iyo ajandayaal muhiim ah oo loo gudbin doono, kulanka Guud ee Golaha Wasiirrada ee dalalka xubnaha ka ah (IORA) si loo sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga, amniga badaha, iyo horumarinta bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...