Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh Cali Suufi oo 8 ballaaran lagu sameeyay, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, injineerro, iyo bulshada deegaanka oo si weyn u soo dhaweeyay dib-u-habaynta lagu sameeyay waddadan muhiimka ah.

Waddada Sheekh Cali Suufi oo ka mid ah waddooyinka isku xirta xaafado dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho, ayaa laga hagaajiyay bullaacadaha, iyo bilicda guud ee waddada, si loo fududeeyo isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in dib-u-dhiska waddooyinka uu yahay mid ka mid ah ahmiyadaha ugu waaweyn ee maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo ballan qaaday in la sii wadi doono horumarinta kaabeyaasha magaalada si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool hareeraha waddada in ay ilaashadaan nadaafadda iyo bilicda waddada, si ay uga faa’iideystaan adeegyada la gaarsiiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...