Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka beerashada wanaagsan ee dalagyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo socon doona 23-ka ilaa 27-ka March,waxaa ujeedku yahay in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha,gaar ahaan kuwa qaabilsan fidinta beeraha ,si loo kobciyo wax soosaarka cuntada ee joogtada ah, iyadoo la adeegsanaayo nidaamyo beerasho oo adkaysi leh.

Tababarkaan waxaa mudada uu socda ka faa’ideysan doona shaqaalaha fidinta beeraha ee Wasaaradda Beeraha iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya fidinta beeraha,kuwaas oo iyaguna sii tababari doona beeraleyda dalka.

Barnaamijkaan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Beeraha, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dalladda SomRep oo ay ku mideysan yihiin hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya horumarinta beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...