MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Jiis oo ka mid ahaa haldoorka ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku uu door muuqda ka soo qaatay dadaalladii lagu xoojinayay nabadda, dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku suntanaa waddaniyad, karti iyo dadaal joogto ah oo uu ugu soo adeegayay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa uga tacsiyeynaa geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee Ganacsade Maxamed Faarax Jiis oo kamid ahaa haldoorka waddaniyiinta ah ee dhaqaalahooda u huray nabadeynta, dibu dhiska dalka, isku-keenidda bulshada kala irdhowday iyo xoojinta dowladnimada soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle u weydiiyay marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...