R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka dhanka ah amniga Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga Qaranka, maadama xiiligan ay adduunyadu u jihaysatay dhanka Tiknoolojiyadda, ayna jiraan falal amniga liddi ku ah oo ka dhaca dhanka Isgaarsiinta, taasi oo ay ka jawaabi doonto xaruntani lagana ilaalin doono macluumaadka hey’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Mudane Xamsa, ayaa guul ku tilmaamay hirgalinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka-jawaabidda amniga saaybarka, soo gudbinta dhacdooyinka amni ee ka dhanka ah Tiknoolojiyadda, iyada oo shacabka Soomaaliyeed laga wacyigalin doono khataraha kaga yimaadda dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay la timid Qorshe lagu horumarinayo Tiknoolojiyadda dalka, kadib markii ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaariista XFS, ay soo gudbisay in la hirgaliyo Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, taasi oo shaqo weyn ka qabatay xaqiijinta amniga dhanka Tiknoolojiyadda iyo horumarinta kaabeyaasha Dijitaalka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...

Kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka...

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...