Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Date:

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku uu ka qayb qaatay duqeymaha.

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay Jaamacadda Street iyo aagga Jomhouri ee Tehran, sida ay sheegeen wakaaladda wararka ee Fars.

Sidoo kale Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in duqeyn lala beegsaday caasimadda ay ku dhaceen meel u dhow xafiisyada Hoggaamiyaha Sare ee Ayatollah Ali Khamenei.

β€œDowladda Israa’iil waxay weerar horudhac ah ku qaadday Iiraan ,si ay meesha uga saarto khataraha ku soo fool leh Dowladda Israa’iil,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Katz.

Siiriga digniinta ayaa guud ahaan laga maqlay gudaha Israel,si dadka ay u tagaan meelaha gabbaadka ee looga badbaadi karo weerarro aargoosi ah oo ka yimaada Iiraan.

Dhinaca kale, shaqaalaha ​​Safaaradda Mareykanka ee Qadar ayaa la geeyay goobo ammaan ah, iyadoo lagu taliyay in dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ay raadsadaan goobbo gabbaad ah ilaa amar dambe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray Maraykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...