TΓΌrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee TΓΌrkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalalka Pakistan, Afghanistan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan iska horimaadyadii hubeysnaa ee u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, kuwaas oo sababay dhimashada tobanaan askar iyo dad rayid ah.

Khamiistii, Afghanistan ayaa weerarro ka fulisay xadka Pakistan, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay jawaab u tahay duqeymo ay Ciidanka Cirka Pakistan ka fuliyeen gudaha Afghanistan Axaddii, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan. Islamabad ayaa sheegtay inay dishay 70 β€œargagixiso,” halka mas’uuliyiinta Afghanistan iyo Qaramada Midoobay ay soo sheegeen khasaarooyin rayid, arrintaas oo Pakistan ay beenisay.

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah, Fidan ayaa la xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Afghanistan Amir Khan Muttaqi, Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Faisal bin Farhan, si loo dejiyo xaaladda.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Pakistan iyo Afghanistan. Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay maleeshiyaad inay ka howlgalaan gudaha dhulka Afghanistan, arrintaas oo Kabul ay beenisay.

Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, markii ciidamada Afghanistan ay weerareen saldhigyo xuduudeed oo Pakistan leedahay, maalmo uun kadib markii Ciidanka Cirka Pakistan ay duqeymo ka fuliyeen gudaha Afghanistan.

TΓΌrkiye iyo Qatar ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaatay dejinta xiisadda iyo gaarista xabbad-joojin u dhexeysa labada dal. 30-kii Oktoobar, war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee TΓΌrkiye ayaa lagu sheegay in kulan lagu qabtay magaalada Istanbul ay ka qeybgaleen TΓΌrkiye, Qatar, Afghanistan iyo Pakistan, si loo xoojiyo xabbad-joojintii hore loogu gaaray magaalada Doha, taas oo ku timid dhexdhexaadinta TΓΌrkiye iyo Qatar.

Xigasho: anadolu agency.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray Maraykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...