NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Date:

 

  WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa afar howlgal oo qorsheysan oo toddobaadkan ay ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ku dilay in ka badan 23 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal amni darro ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalladan, oo ahaa kuwo ka hortag ah, ayaa yimid kaddib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxda Khawaarijtu ay maleeshiyaad ku abaabulayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo, oo hoostaga Degmada Maxaas, islamarkaana uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato, iyo maleeshiyo kale oo lagu uruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weeraradan, oo kii ugu dambeeyay uu dhacay xalay gelinkii dambe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay xero ku taallay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad u badnaa kuwa ay ugu yeeraan Xisbada, kuwaas oo qeyb ka ahaa fulinta weerarro ay Argagixisadu u maleegayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xoojisay howlgallada ka hortagga iyo ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...