Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Date:

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, gaar ahaan xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Shirkan muhiimka ah waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo ku sugan Ankara si uu uga mid noqdo mas’uuliyiinta iyo wakiillada ka doodayo mustaqbalka iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan diblomaasiyiin, aqoonyahanno, xeeldheereyaal iyo khubaro heer caalami ah, kuwaas oo si qoto dheer uga falanqeyn doona iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah:

1′ Amniga iyo la dagaallanka argagixisada,

2′ Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga,

3′ Arrimaha bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah,

4′ Sayniska, tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka,

5′ Is-dhexgalka iyo isfahamka dadyowga labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay gaaray heer sare, iyadoo Turkigu kaalin muuqata ka qaatay dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo tababarrada ciidamada Soomaaliya.

Shirkan ka socda Ankara ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo wadashaqeynta labada dal, isla markaana uu horseedo heshiisyo iyo qorshayaal cusub oo kor u qaadaya danaha wadajirka ah iyo horumarka waara ee labada shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...